Boorama (Af Ingiriis : borama; Reer aw xasan waa beel kamid ah) (sidoo kale loo yaqaano borame iyo boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama, boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti.[2] Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 400,000 oo qof tirkoobki guud ee 2020. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.
Magaalada boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.[3] guud ahaan magaalada Borama waa mid jawi degan oo nabad iyo aqoon lagu yaqaano.
Meesha ee ku taalo magaalada boorama waa dhul buuroleey ah oo mararka qaar Dhulgariir ka dhaco. boorama waa magaalada kaliya oo ugu dhul gariir badan wadanka jamhuuriyada somalia iyadoo dhul gariiradii ugu badnaa ay ka dhaceen boorama sanadka markuu ahaa 1980 wakhtigaas oo magaalada Boorama ka dhacay dhul gariiro aad u fara badanaa, sidoo kale waxa la dareemay sanadkii 2011. Sidoo kale dhulgariirka waxoo gaaraa magaalooyinka kale oo ku yaalo gobolka Woqooyi galbeed.[5] Magaalada Boorama meesha eey ku taalo waa meel qaboow adag ka dhaco wakhtiyada jiilaalka ee u dhexeeya bilaha November ilaa February, waana meel jawigeeda isbadalo.Sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhul daaqsiimeey cows badan oo xayawaan badani ku nool yahay. Juquraafi ahaan beesha magaalada Borama ku nooli waxay deegaan ama aay xudoodo la leeyihin sedex beelood oo ka mid ah beelaha Somalida: Ciise oo dhanka Jabuuti ah Isaaq oo aay dhanka Somaliland isla dagaan iyo Ogaaden ooy Ethopia wada dagaan; taasina waxay ka dhigtay dad dhaqan kastaba fahami kara, furfuran oo ka ilbaxsan reeraha kale.
Boorama waxee ka midtahay magaalooyinka aad u soo korooyo, magaaladaan waa magaalo ee dhismo ku socoto,waa magaalada ugu quruxda badan woqooyi galbeed. Waana magaalo leh garoon diyaaradeed. Borama waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu cimilada wanaagsan geeska afrika, waana meel aya aad ugu helaan dalxiisayaashu, waa meel biyaha aad ugu qani ah. Borama waa magaalada kaliya ee ayna saamayn dagaalada sokeeye ee ka kadhay dalka, waa magaalo aad u nabadbadan yadoo ay ajaanibku aad u jecelyihiin.[7] Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud, jaamacadan waxay kulmisa dhammaan arday soomaliyeed ee ku kala nool wadanka somalia yadoo ay jaamacadan ay isugu imaadaan. sidoo kale waxa ay leedahay jaamacada Elo- university oo kaalinta sadexaaad ka gashay heerka waxbarasho ee jaamacada soomaaliya qiimanyntii sanadka 2014. Borama waa magaaladii lagu aas aasay Dawlada Somaliland,
0 Comments