Real Madrid ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin kooxda Shakhtar donetsk ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen goolka real madrid,qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin, kooxda madrid ayaa daqiiqadihii u dambeeyey xaqiijisay gool.
Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan, daqiiqadii 46-aad ayay shakhtar donetsk dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Oleksandr Zubkov kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa, ciyaarta xalay ahayd ciyaar u adag oo hirdan culusi dhexmaray labada kooxood.
Kooxda Real Madrid ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha xilli ay Shakhtar donetsk sii waday in ay weerarka rogaal celiska a ku halis galiso daafaca Real madrid, xilli ay ciyaartu u muuqato mid Real Madrid la kulmayso guuldaradeedii ugu horaysay ee champions leageu ayay daqiiqadihii ugu dambeeyay wax walba is badaleen.
Daqiiqadii 90+5-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Antonio Rudiger kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah,
kooxda real madrid ayaa 5tii daqiiqo ee ugu dambaysey qaaday weerar xoogan kuna keentay goolkii barbar dhaca ahaa iyadoo awood muujisey daqiiqadahaas yar.

0 Comments