Dagaalka ay ciidamada qaranku kula jiraan alshabaab oo sii xoogaystay malmahan.

dagaalka ciidanka qaranku kujiraan.
Dadaalka ay dowladda cusub ugu jirto ciribtirka argagixisada Soomaaliya, taas oo ay hada xukuumada xasan sheekh rabto inay kasifayso dalka soomaaliya sababta oo ah waxay argagax iyo xasuuq isugu dareen shacabka soomaaliyeed, waxaynu odhankarnaa waa xukuumadii ugu horaysey ee sheegta inay alshabaab wadanka kasoo afjari doonto, iyadoo si toos ah u sheegtay inay ladagaalamayaan lana dagaalamaan marwalba ciidanka qalabka sida ee soomaaliyeed.


Isagoo soo bandhigay sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada xoogga dalka ay ka bilaabeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka, waxaa gobolka hiiraan kasocda hawl galo lagu cirib tirayo argagixisada soomaaliya ee alshabaab kuwaas wakhtigan loo baahan yahay shacabku inay garab istaagaan ciidanka qaranku si looga adkaado ururkaas nabada iyo xasiloonida diidan.


Isagoo tilmaamay in khasaaraha Al-Shabaab uu gaaray 50 dhimasho ah isagoo iftiimiyay isku dayga dowladda cusub ee lagu ciribtirayo argagixisada Soomaaliya laguna faafinayo amniga iyo badbaadada, xukuumadan uu hogaamiyo xasan sheekh maxamuud ayaa waxaa kago,an ladagaalanka ciidanka qaranka soomaaliya iyadoo uu madaxwaynu ciidanka faray inay wadaan dagaalka ay kula jiraan alshabaab ilaa ay kasifaynayaan dalka meelaha ay joogaan.


Isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga hortagaan argagixisada, isla markaana ay taageeraan oo ay taageeraan dowladda cusub, madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa sheegay in aynu ubaahanahay in shacab iyo ciidan aynu gamcaha is aqabsano oo aynu cadawga meel ugasoo wada jeesano, sababta oo ah buu yiri waa sida keliya ee aynu uga guulaysan karno argagixisada.




 









 

Post a Comment

0 Comments