Waxaa eeydan loo adeegsaday inay gartaan faanta maroodiga iyo geesaha wiyisha - taas oo horseedday in la soo xiro boqollaal qof oo xubnaha duurjoogtaas dhoofinayay, iyo in la xiro marinnadii ay adeegsan jireen, ilaa 400 oo xubnaha duurjoogta ah ayaa la qabtay tan iyo intii la bilaabay barnaamijkan oo ay maalgelisay hay`adda Duurjoogta Afrika, sanadkii 2011.
Will Powell, oo ah agaasimaha barnaamijka Canines for conservation, ayaa sheegay in "ay tahay iskaashi gaar ah" oo lala yeelanayo dowladaha taasoo ka caawineysa in eeyo ay la shaqeeyaan ururrada difaaca duurjoogta, shaqaalaha u tababaran la shaqeynta eeyda ayaa aad looga baadi-goobayay dalalka Tanzania, Kenya, Uganda, Mozambique, botswana iyo Cameroon.
Shaqaalaha ayaa xirfaddan la baraa muddo u dhaxaysa siddeed ilaa 10 toddobaad.waxaa kaddib si taxadar leh loo raaciyaa eeyga la shaqeyn lahaa, iyadoo shaqaalaha qaar aysan hore ula shaqeyn eeyaha amaba qaarkood ay keliya u yaqaanneen in ilaalo ahaan loo adeegsado,
waxay bartaan sidii ay eeyahooda u jeclaan lahaayeen, u daryeeli lahaayeen una xushmeyn lahaayeen.
0 Comments