Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka in ay taageeraan laamaha amniga.

amniga dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka in ay taageeraan laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha burcadda ah iyo argagixisada, isagoo iftiimiyay sida ay u xakameynayaan Booliska Qaranka, isku dayada lagu doonayo in lagu qalqal geliyo ammaanka oo ay kooxaha burcadda ah u geysanayaan shacabka Caasimadda Muqdisho.


Isagoo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud uu ku baaqayo in loo midoobo qarannimada si meesha looga saaro wax kasta oo qalalaase ah, isla markaana la cirib tiro unugyada argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee dalka, madaxwaynaha ayaa waxa keliya uu xaaga saaraa tahay amniga dalka taas oo horeba u sheegay inuu aad uga shaqayn doono, isagoo marwalba
iclaamiya in dagaal adag lagu qaadi doono argagixisada .


Isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamadu ay sii wadaan baacsiga haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ee gobollada koonfurta iyo bartamaha,
isagoo iftiimiyay in ciidamada booliska ee caasimadda muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay ku guuleysteen in ay joojiyaan kooxo ku hubeysan mindiyo oo dadka shacabka ah u hanjabayay, isla markaana loo gudbiyay hay’adaha ay khuseyso.



In la muujiyo isku dayga joogtada ah ee madaxweynaha soomaaliya uu ku doonayo inuu ku faafiyo nabadda iyo amniga Soomaalida iyo isku dayga uu ku doonayo inuu isaga fogeeyo arrimo kasta oo sababi kara dagaal sokeeye ama dhibaato kasta, madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa ah madaxwaynaha waxkasta ka horaysiiya xasiloonida shacabka isagoo jecel in shacabwaynaha soomaaliyeed markasta ku noolaado nabad gelyo.



Post a Comment

0 Comments