Isagoo iftiimiyay ballan-qaadkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in sare u qaadidda kalsoonida mas’uuliyiinta ay noqon doonto mudnaanta xukuumadda cusub, golaha wasiirradana ay diiradda saari doonaan amniga ra,iisal wasaaraha ayaa soo xulaya xukuumada tayadeedu sarayso oo uu ku kalsoon ayahay sugida amniga ayaa ah qodobka koowaad ee laga rabo wasiirada inay xooga saraan si dalkeenu u noqdo dal xasiloon.
Isagoo xoogga saaraya baahida loo qabo horumar la taaban karo oo laga gaaro dagaalka lagula jiro argagixisada si loo horumariyo dhinacyada kale ee horumarka; Waxaa ka mid ah waxbarashada,caafimaadka,dhaqaalaha iyo horumarinta hababka loo bixiyo adeegyada aasaasiga ah, waxaas oo dhan baa uu ka duulayaa ra,iisal wasaaruhu sidii deg deg wax looga qaban lahaa sababtoo ah waxaynu joognaa wakhtigii aynu dunida la jaanqaad lahayn.
Isagoo iftiimiyay in Xamza Cabdi Berri uu kalsoonida Baarlamaanka ku helay 10 maalmood oo kaliya,
taas ayaa cadaynaysa xamse cabdi barre inuu yahay ra,iisal wasaare aad u wanaagsan isagoo dalkana abaal wayn kuleh oo in badan kasoo shaqeeyey gaar ahaan dhanka wax barashada, waxaynu oran karnaa wuxuu joogay dalka iyadoo dagaalo sokeeye ka socdaan isagoo ku dedaalayey in uu ubadka soomaaliyeed waxbaro.
0 Comments