Safarka madaxwayne xasan sheekh maxamuud ee dalka turkiga.

safarka xasan sheekh

Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka turkiga, isagoo ku nuux-nuux saday in Madaxweyne Sheekh taxamuud uu ka shaqeynayo hagaajinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay dhammaan dalalka caalamka iyadoo la eegayo maslaxadda dalka taas oo aynu kutilmaami karno diblumaasinimo iyo khibrad siyaasadeed oo xasan sheekh kaga duwan yahay madaxdii ka horaysey oo dhan.


Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa booqashadiisa imaaraadka kadib u aaday dalka Turkiga, isagoo muujiyay in soomaaliya ay ka fogaato dhammaan dalalka Caalamka,
booqashadu waxay xaqiijinaysaa in Madaxweyne Sheekh maxamuud uu ku dhaqmo mabda’a uu ku dhawaaqay ee ah in soomaaliya ay iyada la heshiiso oo ay la heshiiso caalamka,
hal kudhiga madaxwayne xasan sheekh ayaa ah mid shacabka soomaaliyeed soojiitay ee ah waxaynu
ubaahanahay soomaali heshiis ah caalamkana la heshiis ah.


Hadafka socdaalka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga ay soo food-saartay caqabado ku wajahan joogitaankooda iyo maal-gashigooda, taasoo keentay in madaxweynuhu uu qaado tallaabo uu ku xallinayo dhibaatooyinka haysta, mudane xasan sheekh maxamuud ayaa ah madaxwayne jecel inuumeelkasta oo soomaaliya dani ugu jirto uu lasameeyo xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi joogto ah.



Isagoo hoosta ka xariiqay in booqashadan ay qeyb ka qaadan doonto xoojinta wada shaqeynta kala dhaxeysa Turkiga ee dhanka amniga, maadaama uu Muqdisho ku leeyahay xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, isla markaana kor loo qaado iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, taasoo faa’iido u leh heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed,
madaxwayne xasan sheekh maxamuud ayaa wado dedaalo badan oo kor loogu qaadayo nolosha iyo dhinac walba oo ay u baahan yhiin shacabka soomaaliyeed.


 

Post a Comment

0 Comments