Kadib Imaaraatka oo dib u soo celinta xiriirka dhaqaale ee Sacuudiga ee kuwajahan soomaaliya isagoo iftiimiyay guusha uu Madaxweyne Sheekh Maxamuud ka gaaray in Soomaaliya ay ku soo laabato laabashadii Carabta, taas oo faa,iidooyin waa wayni inoogu jiraan hadii aynu nahay shacabka
soomaaliyeed, xasan sheekh ayaa ah siyaas jecel horumarka dalka lana sameeya xidhiidh fiican dalkasta oo soomaaliya uu is dheho wuxuu kaheli karaa wax dani kujirto.
In la caddeeyo in Imaaraatka, kadibna Sacuudiga iyo wadamada kale ee Carabtu ay Soomaaliya ka caawin karaan dhinac walba, haddii ay ahaan lahayd dhaqaale, amni, mid bulsho, waxbarasho iyo xitaa dhanka gargaarka si looga hortago abaaraha, waxaa la gaaray wakhtigii dawladaha carabta dhamaan ay rabaan xidhiidhka soomaaliya iyadoo soomaaliya ay u tahay fursad dahabi ah oo uu abuuray
mudane xasan sheekh maxamuud.
Xoojinta soo celinta dhaqaale ee ay dadka Soomaaliyeed kala yeelanayaan la shaqaynta Boqortooyada ee dhinaca dhoofinta xoolaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda cusub ay waddo sax ah u marayso qorshaheeda ku aaddan dib u soo kabashada Soomaaliya, soomaaliya waxay kujirtaa hada xiligii ay la jaanqaadi lahayd afrika iyo bariga iyo wadamada carabtalabadaba iyadoo markii hore uu xidhiidhkaas jaray farmaajo.
Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa ku guulaystay inuu soo celiyo
xidhiidhkii soomaaliya lalahaan jirtay dalalka carabta taas oo hada u muuqata inay dawladahaasi dhamaantood rabaan soomaaliya xidhiidhkeeda taas bedelkeedana ay siin doonaa dhaqaale iyo iskaashi buuxa,waxaa kamid ah dawladaha sidaas ku dhawaaqay imaaraatka iyo sucuudiga.
0 Comments