xidhiidhka wanaagsan ee xasan sheekh lasameeyey dalalka carabta.



 
xidhiidhka wanaagsan
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Soomaaliya ku soo celinaya isku duubnidii Carabta, isagoo si gaar ah u iftiimiyay hadalkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ee ku aadanaa arrimaha Soomaaliya, kaasoo muujinayey taageerada ay Carabtu u hayaan dowladda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaan dalka imaaraatka oo noqday saaxiibka kowaad ee dalka soomaaliya garab taagan marwalba.


Isagoo ku nuux-nuux saday danaha dalalka Carabta ay ka leeyihiin caawinta Soomaaliya, gaar ahaan ka dib markii Carabtu ay si weyn uga soo qeyb galeen caleema saarka Madaxweyne Sheekh Maxamuud, in la caddeeyo in socdaalka Madaxweyne Sheekh Maxamuud ee Imaaraadka uu yahay mid lagu saxayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta, kadib markii uu go’ay xilligii dowladdii hore, xasan ayaa soo celiyey dhamaan cilaaqaadyadii xumaaday oo dhan.


Isagoo ku nuux-nuux saday in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuba ay ka shaqaynayaan sidii ay Carabtu taageero ugu heli lahayd horumarinta Soomaaliya muddada soo socota, taas oo muhiim u ah labada dhinacba waa waxa keliya ee ay xukuumada xasan sheekh dedaalkeeda ugu horaysiisay soo celinta dalka soomaaliya iyo dawladaha carabta gaar ahaan imaaraatka carabta oo hada loo yaqaano saaxiibka soomaaliya.


tan iyo markii xasan sheekh maxamuud ladoortay waxaa soo noqday rajadii shacabka soomaaliyeed ee ay ku aadanaa xidhiidhka soomaaliya iyo caalamka kaas oo xukuumadii hore limisay, mudane xasan sheekh maxamuud madaxwaynaha soomaaliya ayaa dedaal dheer kadib kuguulaystay soo celinta xidhiidhkaas oo uu kabilaabay dawladaha carabta gaar ahaan dalka imaaraatka oo soomaaliya siiya taageero badan oo kala duwan.



Post a Comment

0 Comments