Ballanqaadka Imaaraadka ee ah in Soomaaliya laga caawiyo dhinac walba, isagoo iftiimiyay hadaladii Sheekh Maxamed Bin Zayed ee ku aadanaa sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay inay taageeraan xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya, taas oo micneheedu tahay inay kago,antahay dawlada imaaraatka inay soomaaliya si buuxda uga taageerto dhinac walba.
Isagoo ku nuux-nuux saday in Imaaraadku qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo fududeeyo helitaanka dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed,
waxaa kale oo uu caddeeyay in Imaaraadka uu yahay deeqaha ugu badan ee Soomaaliya siiya, isla markaana aan ka tagin shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii ay bilowdeen dhibaatooyinka abaaraha, hadana ay sii wadi doonaan taageeradaas.
waxa kale oo uusoo bandhigay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay iskaashiga dhanka amniga iyo dib u howlgalinta barnaamijka tababarada ciidamada Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, isagoo sheegay inaanay marnaba garabkooda kabixi doonin walalahooda soomaaliyeed, waxa kale oo intaas kudaray inay hada fududaynayaan dal kugalka imaaraatka oo ay sifud kutegi
karaan shacabka soomaaliyeed.
Isagoo carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay tababari doonaan qeyb badan oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya, islamarkaana ay bixin doonaan mushaaraadkooda, kuwaasi oo horay u wiiqay Al-Shabaab isagoo carrabka ku adkeeyay in dib u soo celinta kaalintii hoggaamineed ee Imaaraadku ku lahaa Soomaaliya ay horseedi doonto xasillooni iyo horumar dhinac walba ah, taas oo horseedi doonta in sare loo qaado heerka nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.
0 Comments