Si loo muujiyo in socdaalka Imaaraadka uu yahay mid lagu saxayo xiriirka Soomaaliya iyo Carabta kadib markii dowladda Farmaajo ay xiriirka u jartay Soomaaliya inta badan dalalka Carabta, isagoo ku nuux-nuux saday in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu booqashadiisa Kenya ku soo af-jaray khilaafkii uu Farmaajo sameeyay intii uu Madaxweynaha ahaa, kuna bedelaya wada noolansho wanaagsan iyo iskaashi dhan kasta ah.
Waxaad caddeysaa in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu dib u soo celiyay xiriirkii dhaqaale ee kala dhaxeeyay Kenya, si uu u xaliyo xiisadda labada dal, isagoo ka hadlaya muhiimadda ay Kenya u leedahay inay tahay suuq muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay guulo badan ka gaari doonto booqashada Kenya oo ay ugu muhiimsan tahay Dhoofinta Kalluunka ee Kenya iyo sidoo kale in Kenya ay taageerto in Soomaaliya ay ku biirto Kooxda Bariga Afrika.
Heshiiska Kenya ayaa u furmi doona suuqyada dalalka Bariga Afrika booqashada Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inay ka shaqeyn doonto sidii loo soo afjari lahaa xiisada ka dhex aloosan labada dal kadib murankii dhanka badda iyo go’aankii maxkamadda caalamiga ah ee Soomaaliya, xasan sheekh ayaa ah diblumaasi xalin kara waxkstoo ay xukuumadii hore xumaysay.
0 Comments