maalinkan ciidal adxa iyo farxada umada islaamka oo dhan.

Waxaan u hambalyeynayaa dhaamaan umada islaamka gaar ahaan dadka soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan, iyadoo ay maanta tahay maalintii ciidal adxa oo laga ciiday dhamaan dunida oo dhan waxaynu leenahay allaah umada islaamka dhamaan ciidan ciideeda haku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad gelyo iyadoo hada dalkeena hooyana uu kujiro wakhti xasiloon allaah ha noogu wado nimcadaas balaaran.
Dhamaan maanta waxaa laga dareemayey dabaal deg iyo farxad dalkeena soomaaliyeed oo ciidal adxa laga wada ciiday, waxaa shacab iyo madaxba maanta la isugusoo baxay magaalooyinka dalka oo dhan ha igusii darnaato caasimada umada soomaaliyeed ee magaalada muqdisho oo siwayn looga dareemay maalinka ciida iyadoo amaankana aad iyo aad loo adkeeyey taas oo muhiim u ah shacabka soomaaliyeed inay nabad ku dabaal degaan, iyagoo xasiloon waxaynu ilaahay ugu mahad naqaynaa nabada uu ina siiyey.
Waxaa dhamaan dalka soomaaliya goboladiisa oo dhan si nabdoon looga xusay maalinka ciidal adxa iyadoo shacabka soomaaliyeed nabad gelyo iyo rayn rayn ku dabaal degeen maanta waxaynu mahada ugu mahad naqaynaa allaaha ina siiyey amnigaas marka labaadna xukuumada amaanka sida adag u adkaysay ee hogaamiyo mudane xasan sheekh oo ay xil wayn iska sartay sugida iyo ilaalinta shacabka soomaaliyeed.
Maanta waxay allaah kabaryaynaa inaynu ciida badan oo dambe ku ciidno nabad gelyo iyo xasilooni allaahna inaga dul qaado colaadaha dalka soo daashaday, inaguna sugo xaqa iyo xasiloonida dalkeenana uu ka dhigo mid nabdoon markasta, madaxdana allaah ha inoo hagaajiyo oo xaqa ha tuso ilahay haka dhigo kuwii dadka dalka iyo diintaba u dadaala, ku sugnaada islaamnimo buuxdo weligood, shacabkana allaah ha fahamsiiyo wadanimada.
0 Comments