wada shaqaynta wanaagsan ee xasan sheekh iyo xamse barre.

wada shaqaynta fiican

 Dowladda cusub ayaa dadaal ugu jirta xoojinta xiriirka soomaaliya iyo Carabta, si loo muujiyo in Madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaruhu ay ka shaqeynayaan dib u habeynta xiriirka Soomaaliya iyo Carabta si loo gaaro faa’iidada ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed, muhiimada ayaa ah in soomaaliya xidhiidhkooda ilaaliso dawladaha aynu dan wadaagta nahay
gaar ahaan kuwa carbeed oo ay ugu horeeyaan dalka imaaraatka carabta iyo dhamaan inta aynu danaheena ka dhex aragnoba.


Isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda xiriirka Carabta ee Soomaaliya uu u leeyahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo in laga caawiyo dhibaatooyinka abaaraha, taas ayaa inoo ah waxtar wayn sababtoo ah soomaaliya waa dal ubaahan dhaqaale ahaan ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba in kor loosoo qaado iyadoo xukuumadii hore kufashilantay xidhiidhka caalamka, ayaa hada waxaa muuqata, dedaalada xukuumadan cusub kusoo celinayso xidhiidhkii soomaaliya lalahaan jirtay dalalka carabta.


In diirada In  lagu saaro kulanka uu Ra’iisul Wasaare
Xamza Cabdi la yeeshay Safiirka Sacuudiga ee soomaaliya,

isagoo iftiimiyay ballan-qaadkii Sacuudiga ee ahaa inuu Soomaaliya ka taageeri doono heerar kala duwan, gaar ahaan marka dib loo bilaabo dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, xoolaha soomaaliya ayaa ah kuwa dalka keliya ee inaga iibsadaa uu yahay sucuudiga
iyadoo uu dalkaasi ina siin doono dhaqaale kale oo badan kaas oo lagaga hortago abaaraha dalka kajira.


Isagoo iftiimiyay kaalmada Imaaraadka ee dayactirka iyo ballaarinta dekedda Boosaaso isagoo carrabka ku adkeeyay in kaalmadan cusub ee imaaraadku ay imaanayso kaddib markii dib loo furay isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho, isla markaana dib loo billaabay tababaridda ciidamada Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in horumarkan uu gaaray xiriirka Carabta iyo Soomaaliya uu yahay mid ka dhashay howlihii baaxadda lahaa ee madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka sameeyeen horumarinta xiriirkaas, gaar ahaan safarkii Madaxweynaha ee Imaaraadka kadib.


Post a Comment

0 Comments