Qiimaha maalinta carafa fadligeeda iyo dembi dhaafkeeda balaaran.

maalinka carafa

 

Ducada maalinta Carafaad waa fursad aad u weyn waxaa kugu habboon inaad laahay dambidhaaf weyddiisato, sidoo kale haddii aad ducaysato adoo sooman ducadaada waxay u dhowdahay in lagaa aqbalo. waxaa kasoo arooray nabigeena scc inuu yiri, ducada ugu fadli badan waa ducada maalinta carafo, waxaana ugu fadli badan aniga iyo anbiyada iga horreeyay hadalka aan niri: ilaaah kale ma jiro alle kaligiisa mooyee mana laha qof wax la wadaago.


Kaasi qof arafa jooga kuwa aan joogin ee wakhtigu usaamixi waayey xaramka barakaysan inay tagaana waxaa looga baahan yahay inay la yimaadaan cibaado dhamaystiran oo ay ku dedaal ugu samaynayaan nafahooda taas ah in aynu,dhamaanteen ubaahanahay dembi dhaafka alle swt naxariistiisa balaarana ayaynu u wada baahanahay.


Maalintan carafa ee way ayaa ah maalin qofkii soomaa uu helayo fadli badan iyo dembi dhaaf fara badan oo allaah adoomihiisa ugu naxariisanayo kana, dhaafayo dunuubtooda waa cidii allah waydiisatee ee maalmahan ka faa,iidaysta
gaar ahaan maalinka carafa ee naxariista allah ay uu inoo balan qaaday aynu  heli karno .


Waxaa weeye maanta maalintii carafa ahayd ee aad ka u waynayd waxaan dhamaan umada islaamka gaar ahaana umada soomaaliyeed kuleeyahay allah ha ina waafajiyo maalintan qiimaha badan hana inagu daro kuwa uu u dembi dhaafo ee hela naxariistiisa waasica ah kuna abaal mariyo janooyinkiisa ay ugu horayso jannatul fardowsa.



Post a Comment

0 Comments