Bannaanbaxan farxadeed ee ay qoysaska askartaasi ku qabteen waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa si weyn u sii xoogeystay, kaddib markii la soo bandhigay sawirrada kulanka uu madaxweynaha la qaatay, qoysaska askartaas iyo shacabka soomaaliyeed ayaa dhamaantood farxay oo u duceeyey mudane xasan sheekh maxamuud oo mudo aad uyar ku xaliyey dhibaatooyin badan, mudane madaxwayne shacabkaaga ayaa dhamaan garabkaaga taagan ee sidaas wanaagsan dalka u hogaami.
Iyagoo xoogga saaraya sidii ay qoysaska askartaasi uga mahadcelin lahaayeen Madaxweyne Sheekh maxamuud oo ku xaliyay dhibaatooyinkooda waqtigii loogu talagalay, isagoo fulinaya ballanqaadkii uu u sameeyay xilligii doorashada, si loo muujiyo farxadda ka jirta Soomaaliya oo dhawaan wiilasheeda ka soo laabanayaan Eritrea, waxaa dhamaan ay dareemayaan qoysaskii ay askartaas ka maqnayd farxad
iyo rayn rayn.
Xaalada dalka soomaaliya ayaa hada maraysa meel aad u fiican siyaasada arimaha debeda iyo habsami socodka gudaha labadooduba kadib sidii loogu doortay hogaamiyaha wanaagsan mudane xasan sheekh maxamuud, ruug cadaaga kuguulaystay soo celinta xidhiidhkii soomaaliya lalahayd aduunka intiisa kale iyo kafarxinta balanqaadkii uu doorashada kugalay ee ahayd askartii ay reerahoodu sanadaha la,aayeen.
0 Comments