Saparman Sodimejo oo ah ninka dunida ugu da’da weyn xiligan ayaa maalmo ka hor 31-kii bishii Disembar ee sanadkii hore waxaa uu u dabaal degay sanadguuradiisii 146-aad ee dhalashadiisa
Ninkan oo lagu naaneyso Gotha ayaa dhashay 31kii Disembar sanadkii 1870-kii sida ay xaqiijisay waaxda diiwaangelinta dadka ee wadanka Indonesia
Gotha waxaa uu ku nool yahay tuulo lagu magacaabo Java oo ku taalla bartamaha wadanka Indonesia weli waxbuu arkaa inkastoo awooda jirkiisa ay aad u daciiftay
Waxaa uu sheegay inuu geeri isku diyaariyey wixii ka dambeeyey sanadkii 1992-dii balse Gotha weli waa nool yahay illaa xiligaas oo hadda laga joogo 30 sano
Waxa uu lahaa ninkan afar xaas oo tii ugu dambeysay geeriyootay sanadkii 1988-dii waxaa sidoo kale geeriyooday dhamaan caruurtiisii, xiligana waxa gacanta ku haya oo xanaaneeya caruur oo awoowe u yahay oo iyaga laftooda da’ ah iyo wixii ay sii dhaleen sida uu sheegay Gotha
Ninkii ugu da’da weynaa caalamka ee Gotha ka horeeyey ayaa geeriyooday 1997-dii waxaana 19 sano ka dib weli nool Gotha sida ay qortay Jariidada Daily mail ee ka soo baxda dalka Britain
0 Comments