Sida umadihii hore iyo dunidan casrigu isla waafaqsan yihiin geedka fooxu waxa uu ka mid yahay dhirta kuwooda ugu wanaagsan caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaana ugu sareeya waana geedka kaliya ee soo labeeya timirta marka dhinaca nafciga iyo faa’iidada uu aadamiga u leeyahay laga eegayovb fooxu dawooyinka iyo waxyaabaha badan ee laga sameeyo ka sakow waxa uu leeyahay xanjo aad u macaan oo faa’iidooyin tiro badan oo aan la soo koobi Karin laga helo kuwaas oo toban ka mid ah aynu qormadeenan ku soo qaadan doono
In kastoo guud ahaan calashiga xanjadu faa’iidooyin badan aadamigu ka helo haddana xanjada fooxa (Lubaanku) waa mid aan la qiyaasi Karin qiimaha iyo nacfiga tirada badan ee laga helo kuwaas oo baadhitaano caafimaad iyo daraasado cilmi oo dunida laga sameeyay ka wada marag fureen ka hor inta aynaan u gudo gelin tobanka faa’iido ee xanjada fooxa laga helo aynu wax yar ka soo qaadano umadihii hore ee dunidu siyaabihii kala duwanaa ee ay fooxa u isticmaali jireen gaar ahaan Faraaciintii Masar oo ka mid ah dadyowga dawooyinka dabiiciga iyo adeegsigooda dunida ku soo kordhiyay
Sida taariikh yahanadu soo wariyeen Faraaciinta ayaa fooxa ka sakow uduga iyo nadaafada u isticmaali jiray oo kale dhiig joojinta is qurxinta calool xanuunka iyo dhaymaha waxa kale oo uu fooxa ay u adeegsan jireen cuntada oo ay Suyuca iyo inay is badasho ay kaga ilaalin jireen taas oo ugu jirtay halka dawooyinka in cuntada iyo sharaabku dhacaan lagaga ilaaliyo haddii aynu u soo noqono mawduuca qormadeena ee Tobanka Faa’iido ee Calashiga Xanjada Fooxu u leedahay aadamiga
Faa’iidada Koowaad: Fooxa oo la calashado Cuntada ka dib waxa ay wanaajisaa nidaamka qaadashada cuntada waxaanay yaraysaa hamuunta cuntooyinka kale ee sadex wakhti ama xiliyada cunto ee saxda ah ka baxsan. Sida ay cadaysay daraasad Jaamacada Louisiana ee dalka Maraykanku diyaarisay dadka isticmaala xanjada Fooxa wakhtiyada cuntada ka dib waxa u saxma hab dhaqameedkooda cunto oo hamuunta cuntooyinka fudud ee cayilaada iyo baruurta xad dhaafka ah keena ayaa ka yaraata waxaanu hab dhaqankaasi jidhka ka foogeeysa halista Maadooyinka (Calories) afka qaalad loogu yeedho oo ah duxda sababta naaxida khaldan ee jidhka
Faa’iidada Labaad: Xanjada Fooxa oo qofku ugu yaraan saacad si joogta u calashado waxay firfircooni gelisaa shaqada Maskaxda waxaanay kordhisaa qaybta xusuusta ee maskaxda sida daraasado tiro badani cadeeyeen calashiga xanjadu wuxuu boqolkiiba % 40 kordhisaa habka wareega dhiiga taas oo sababta in Maskaxdu hesho Oxygen badan, ka dibna ay shaqadeedu aad u fiicnaato faa’iidada Sadexaad: Calashiga Xanjada Fooxa iyo ta kale ee caadiga ah labaduba waxay xoojiyaan hab dhiska dheefshiidka jidhka waxaana inta qofku xanjada calashanayo dheefshiidku wuu kordhaa waxa kale oo si wanaagsan u shaqeeya enzymes-ka caawiya Beerka iyo xamaytida
Faa’iidada Afraad: isticmaalka Xanjada Fooxu waxay yaraysaa calool ololka laab dilaaca iyo xanuunada Midhicirada sida daraasado tiro badan oo la xidhiidha cunista xanjadu cadeyeen qof kasta oo cuntada ka dib xanjo ugu yaraan 45-daqiiqo calashada waxay ka yaraysaa calool ololka waxaanay si kama danbaysa ah u bogsiisaa laab dilaaca iyo xanuuno badan oo midhicirada iyo nidaamka dheefshiidka ku dhaca faa’iidada Shanaad: isticmaalka badan ee xanjadu wuxuu yareeya debno qalalka ciriid dhiiga Qanjaha (Xolqadaha) iyo urta afka, gaar ahaan xanjada fooxu oo leh dareerayaal wakhti dheer joogto afku uga helo ayaa aad u yaraysa, ilkaha iyo ciridh dhiiga dad badani ka cawdaan dhinaca kale waxa si fiican u shaqeeya qanjidhada iyo dhinaca danbe ee carabka iyo hunguriga
Faa’iidada Lixaad: Calashiga Xanjadu wuxuu yareeya werwarka iyo fikirka badan waxaanu dejiyaa neerfayaasha intooda badan sida daraasado tiro badan lagu sheegay calalinta Xanjadu waxay aad u yaraysaa hormoonada “Cortisol”-ka afka qalaad loogu yeedho kuwaas oo masuul ka ah ama dhaliya walaaca iyo qulubka faa’iidada Todobaad: Calalinta xanjadu waxay yaraysaa Suuska ilkaha sida dhakhaatiirta xanuunada ilkuhu cadeeyeena xanjada fooxu waxay sifaysa ilkaha oo waxay xoojisa quwadooda ilaa heer gaadhsiisan inay sida miishaarta ama midida afka badani wax u goysoo oo kale inay ka dhigto awoodooda
Faa’iidada siddeedaad ee isticmaalka xanjada Fooxu leedahay, sida dhakhtaariita dhimirku cadeeyeen waxay Calalinta Fooxu Maskaxda u fududaysa la dagaalanka dhibaatada “Arums”-ka, oo waxyaabaha xusuustoodu soo noqnoqto sida erayada heesaha qofku necebyahay cayda anshax xumada ah ee uu maqlay iyo weedho aanu xusuustooda jeclayn laakiin xusuustoodu ka bixi waydo maskaxda waxaana nidaamka khalkhalka ku keena in maskaxdu is ilowsiiso Erayada aanad doonayn oo Loogu yeedho “Arums”, yareeya Calalinta xanjada ee maalinlaha loo isticmaalo
Faa’iidada Sagaalaad: Xanjadu waxa ay yaraysaa, madax xanuunka gaar ahaan dhan jafka iyo xumada fudud, ee sida degdeg ah ugu soo booda qofka ama ku soo noqnoqda kuwaas oo ay uga waxtar badan tahay jidhka dawooyinka kaar jabinta ee halista badan leh faa’iidada Tobnaad: Isticmaalka Lubaanka ama Fooxu waxay aad u yaraysaa xasaasiyada gaar ahaan nabada Cuncunka iyo Cadanyadu keento waxa kale oo ay yaraysaa haraadka badan ee dadka Macaanku hayaa dareemaan waxa kale oo ay kaa caawin kartaa joojinta maandooriyayaasha badankooda gaar ahaan qiijinta Sigaarka oo xitaa haddii aanad ku talo jirin inaad joojiso Calalinta Xanjada Fooxu kaa yarayn karto oo waxay yaraysaa jacaylka Sigaarka
0 Comments