Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee la xiriira gabdhaha saqiirada ah ee uurka qaada oo ilmo dhala ayaa ka dhacdey wadanka Mexico ka dib markii gabar yar oo 10 sano jir ah ay hooyo noqotey iyadoo dhashay wiil caafimaad qaba sida ay sheegeen saraakiisha Isbitaal haween oo ku yaal magaalo dhacda Bariga Koonfureed ee dalka Mexico
Gabadhan ayaa la sheegay in ay timid Isbitaalka magaalada Puebla iyadoo xaamilo ah isla markaana fool aheyd waxaana la sheegay in xaalad caafimaad daro ay haysatey balse dhakhaatiirta ayaa ku guuleystey in gabadhaasi ay umiliyaan iyadoo bad qabta
Agaasimaha Isbitaalka gabadhan ay ku dhalatey oo lagu magacaabo Rogelio Gonzalez ayaa sheegay in ilmihii ay gabadhaasi dhashay uu caafimaad qabo isla markaana lagu hayo qaybta xanaanada iyadoo hooyadiisa 10 sano jirka ah ay maalin walba ugu timaado qaybtaasi si ay ugu dhigto naaska
Maamulka deegaankaasi ayaa haatan baaritaan ku haya xaalada gabadhan 10 sano jirka ah ay uurka ku yeelatey iyadoo laga cabsi qabo inay tahay arin kufsi ku timid sharciga dalka Mexico ayaa meesha ka saaraya in hooyooyinka da’ada yar ilmaha laga soo xaaqo hadii aanay arintaasi aheyn mid ka dhalatey galmo kufsi
Xaaladani ma ahan tii ugu horeysay ee ka dhacda wadanka Mexico bishii August ee sanadkii hore gabar 11 sano jir ah oo lagu soo koobay magaceeda Amalia ayaa ilmo dhicis ah dhahsy iyadoo la sheegay in gabadhaasi uu kufsi u geystey nin qabey hooyadeed gabadhaasi oo xiligaasi jirtey 10 sano oo kaliya
Amalia ayaa markii kufsigaasi lagu sameeyey waxay arintaasi u sheegtey hooyadeed iyadoo isla markiiba booliiska loo gudbiyey dhacdadaasi
0 Comments