Qaliin ilmagaleenka ah oo soconayay afar saacadood ayaa uur-jiifka banaanka loo soo saaray iyada oo dhaqaatiirta qaliinka wadayna ay ku toosiyeen qalooc ku jiray qeybta hoose ee lafdhabarta mrs Simpson ayaa sidan tan sheegtay ma dooneyn inaa iska soo tuuro ilmahayga oo aan dareemayay dhaqdhqaasiisa qaliinka lagu sameeyay ilmaha caloosha ku jiray ayaa la rumeysan yahay inuu guuleystay waxa uuna dhalan doona bishi April ee soo socota
Hooyada ilmahan yar Mrs Simpson ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda Keiron loosoo jeediyay in ilmaha caloosha ku jira ay iska soo tuurto ka dib markii la ogaaday xaaladeeda balse go’aanka lagu toosiyay lafhabarta uur-jiifka ayaa garaadkooda ka weyn waxaa la ii sheegay inay naafo tahay oo lafdhabarta ka qaloocan tahay balse ma aysan ahayn ayay tiri Mrs Simpson waxaa hooyadan loo ogolaaday in lagu qalo isbitaalka Jaamacada London bishii Disember ka dib markii lagu sameeyay dhowr baaritaan oo uur-jiifka ah
Qaliinka lagu sameeyay toddobaadkii 24-aad ee uur ku jirta ayaa waxaa qeyb ka ahaa furitaanka ilmagaleenka iyo in dhinac kale loo dhigo uur-jiifka si loo toosiyo qalooca iyo sidoo kale dib u habeynta lafdhabarta waxaan kasoo baxay qaliinka hal saac waxaana isla habeenkii dareemayay dhaqdhaqaaqa ilmaha yar Mrs Simpson ayaa la rumeysan yahay inay tahay bukaankii afaraad ee gudaha UK loogu sameeyo qaliinkan iyada oo inta badan qaliinada noocaan ah lagu sameeyo dalka Belgium-ka iyo Mareykanka
Laga bilaabo bisha April qaliinkan ayaa laga heli doona isbitaalada qaran ee UK Ku dhawaad 200 oo caruur ah ayaa ku dhasha UK sanad walba iyaga oo lafdhabartu ka qaloocan Dominic Thompson oo ah dhaqtar neerfaha qaabilsan horseedna u ahaa dhaqaatiirti sameysay qaliinkan ayaa ku tilmaamay qaliinka ilmaha yar lagu sameeyay mid aan la rumeysan karin si kasataba ha ahaatee Mrs Simpson ayaa ku boorisay waalidiinta dhigeeda ah inay ka fakaraan qaliin lagu sameeyo caruurta waxkasta oo suuragal ahna ay ku dhaqaaqaan
0 Comments