Soomaaliya iyo Azerbaijan oo loo doortay Guddoomiye-wadaagayaasha Golaha UN-Habitat ee 2025–2026
Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah loogu doortay inay noqdaan Guddoomiye-wadaagayaasha Golaha Furan ee Dawladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (Open-Ended Intergovernmental Working Group - OEWG) ee sanadaha 2025–2026, kaas oo lagu aasaasay qaraarkii Golaha UN-Habitat ee 2023 ee cinwaankiisu ahaa “Hoy Ku Filan Qof Walba.”
Fadhiga labaad ee kooxda shaqada (OEWG-H2) ayaa lagu qabtay 23-ka Oktoobar xarunta dhexe ee UN-Habitat ee magaalada Nairobi, Kenya, halkaas oo Azerbaijan iyo Soomaaliya ay xilka kala wareegeen Kenya iyo Faransiiska.
Kooxda shaqada ee heerka dawladeed waxay u adeegtaa sida xoghaynta Golaha UN-Habitat, waxayna diyaarisaa talooyin, isku-duwaha hawlaha dalalka xubnaha ka ah, iyo horumarinta siyaasadaha caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo guryo ammaan ah, waara, oo la awoodi karo.
Doorashada Soomaaliya ee guddoomiye-wadaag waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa ka-qaybgalka dalka ee barnaamijyada horumarinta magaalooyinka caalamiga ah iyo dhisidda siyaasad guryo oo mideysan oo heer caalami ah.
Sidoo kale, xilkan heer sare ah wuxuu Soomaaliya siinayaa madal muhiim ah oo lagu dhiirrigeliyo qorshayaasha iyo natiijooyinka Shirka 13-aad ee Magaalooyinka Adduunka (WUF13) oo lagu qaban doono magaalada Baku ee Azerbaijan intii u dhaxaysay 17–22 May 2026, oo cinwaankiisu yahay “Guriyeynta Dunida: Magaalooyin iyo Bulshooyin Badbaado leh oo Adkaysi leh.”
Iskaashiga u dhexeeya UN-Habitat iyo Soomaaliya ee dhanka horumarinta magaalooyinka waara ayaa si joogto ah u kobcayay sanadihii la soo dhaafay, taasoo muujinaysa sida Soomaaliya ugu heelan tahay inay la jaanqaaddo himilooyinka horumarineed ee caalamiga ah.
UN-Habitat waa hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan horumarinta deegaanno bini’aadantinimo iyo guryo ku filan qof walba, iyadoo xoogga saarta dhismaha magaalooyin is-dhexgal ah, ammaan ah, waara, iyo adkaysi leh.
Guushan cusub waxay imaanaysaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo dib-u-dhis dowladnimo iyo soo kabasho dhaqaale, waxaana doorashadan caalamiga ah loo arkaa aqoonsi iyo kalsooni ay beesha caalamku siisay horumarka muuqda ee dalka ka socda dhinacyada maamulka, amniga, iyo xukunka sharciga.

0 Comments