Isku Biirista Soomaaliya ee EAC: Fursad Dhaqaale iyo Mustaqbal Dhalinyaro
Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa guul weyn oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba. Isku darka dad ka badan 300 milyan ayaa fursad siinaya ganacsiga, shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka badan 70% bulshada ayaa ah laf dhabarta mustaqbalka. Haddii loo abuuro fursado shaqo iyo waxbarasho, waxay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan hal-abuurka, nabadda iyo horumarka. Caqabadda ugu weyn waa shaqo la’aanta oo Soomaaliya gaartay 67% dhalinyarada.
Sidoo kale, ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs) waa laf dhabarta dhaqaalaha gudaha. Soomaaliya, iyaga ayaa ka caawiya qoysaska dakhli, waxayna ku hormareen adeegyada sida mobile money iyo e-commerce. Haddii EAC ay taageerto sidii Midowga Yurub ugu guuleystay barnaamijyada taageerada ganacsiyada yar yar, Soomaaliya waxay heli kartaa horumar dhaqaale degdeg ah.
Isku biirista EAC waa fursad aan la seegin. Waxay siinaysaa Soomaaliya suuq ballaaran, shaqo-abuur dhalinyaro iyo horumar joogto ah oo dhaqaale.

0 Comments