39,372 arday oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maanta u fariisanaya imtixaanaadka dugsiga sare

 Ra’iisul Wasaaraha oo furay imtixaano heer qaran ah oo ay u fariisteen in ka badan 39,000 oo arday


Xamza Cabdi Berri

Maanta, 39,372 arday oo ku nool Soomaaliya ayaa u fariistay imtixaanaadka dugsiga sare, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu si rasmi ah u daah furay imtixaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso sidii sare loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka, wuxuuna ku tilmaamay imtixaankii qaranka mid guul weyn u soo hooyay ardayda Soomaaliyeed, isla markaana tallaabo muhiim ah u ah horumarka mustaqbalka dalka.

“Amniga ka sokow, dowladdu waxay xoogga saaraysaa sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayeysan iyo mid horumarsan oo la jaan qaadaysa heerka caalamiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada, iyo ballaarinta baaxadda adeegyada – oo ay ka mid tahay waxbarashada – oo lagu daray goobihii dhowaan laga saaray Al-Shabaab, iyadoo isku dayday in ay kula dagaalanto amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa bogaadiyay doorka ciidamada ammaanka ay ku sugayaan ammaanka xarumaha imtixaanaadka iyo fududeynta in agabka imtixaanada lagu qaado deegaanada fog fog iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Post a Comment

0 Comments