Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abdel Salaam Omar, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdel Aty

 Soomaaliya iyo Masar ayaa sahaminaya habab lagu xoojinayo xiriirka ka hor shirka madaxda Carabta


Abdel Salaam Omar iyo Badar Abdel Aty.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/salaan Cumar, ayaa kulan labo geesood ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdel Ati, oo ka qeyb galayay kulamada loogu gogol xaarayo shir madaxeedka 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Wadamada Carabta ee ka dhacaya dalka Ciraaq.

Kulanka oo ahaa mid heerkiisu sareeyo ayaa lagu nuux-nuux saday dardargelinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxaana labada wasiir ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada danta u ah labada dal, sida ganacsiga, amniga, waxbarashada, iyo diblomaasiyadda gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban.

Wasiirka Soomaaliya ayaa sheegay in dalkiisu uu aad uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee Masar, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la isku dubbarido dadaallada ku aaddan arrimaha khuseeya Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka Carabta.

Dhigiisa Masar Abdel-Ati, ayaa isna dareen la mid ah ka muujiyay, isagoo xusay in Soomaaliya ay weli tahay saaxiibka weyn ee Masar ee Bariga Afrika, waxayna labada dhinac ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada Carabta iyo taageeridda horumar dhan walba ah oo gobolka oo dhan ah, kulankaas oo ka tarjumaya ballan-qaad joogto ah oo ay labada waddan ka qaateen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyadoo la eegayo caqabadaha gobolka iyo fursadaha ka dhexeeya.

Post a Comment

0 Comments