Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Soomaaliya ku metelaya Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta ee ka dhacaya dalka Algeria


Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madube), ayaa Soomaaliya ku matalaya Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta, kaasoo Sabtidii si rasmi ah uga furmay magaalada Aljeeriya ee dalka Algeria.

Shirkan ayaa sanadkan waxaa isugu imaanaya hogaamiyayaasha baarlamaanka wadamada Carabta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha gobolka, gaar ahaana xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Shiikh Aadam Maxamed Nuur ayaa la filayaa in uu jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ka turjumeysa aragtida Soomaaliya ee ajandayaasha shirka, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday doorka firfircoon ee ay ku leedahay qaab dhismeedka baarlamaanka Carabta.

Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Algeria la filayaa in sidoo kale uu kulamo la qaato madaxda sare ee dalka Aljeeriya,isagoona kulamo la qaadan doona madaxda kale ee baarlamaanka dalkaasi,iyadoo ujeedadu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhiggiisa Carabta.

Post a Comment

0 Comments