Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Xabi Alonso loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda

 Si rasmi ah... Xabi Alonso waa tababaraha Real Madrid ilaa 2028


Xabi Alonso

Real Madrid oo ka qeyb galaysa tartanka horyaalka Spain ayaa Axadii ku dhawaaqday in Xabi Alonso loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda, isagoo dib ugu laabtay garoonka Santiago Bernabeu Stadium, halkaasoo uu ku qaatay lix xilli ciyaareed oo ciyaaryahan ah, islamarkaana uu kula guuleystay koobab badan.

Isbaanishka Alonso (43 sano jir) ayaa saxiixay qandaraas seddex sanno ah ilaa June 2028, waxaana uu bedelay Carlo Ancelotti oo Talyaani ah, kaasoo kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda uu ahaa sabtidii.

Alonso ayaa tababare u ahaa Bayer Leverkusen wuxuuna xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda Jarmalka bishaan.

Alonso ayaa la wareegay xilka tababaranimo ee Leverkusen bishii October 2022 wuxuuna ku hogaamiyay labada koob ee maxaliga ah xilli ciyaareedkii hore, iyadoo kooxdu ay ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horeeyay ee German League iyada oo aan wax guuldaro ah la kulmin. Waxa uu sidoo kale ku guuleystay German Cup oo uu gaaray finalka Europa League.

Qandaraaska Alonso ee Leverkusen ayaa ahaa mid ku eg ilaa 2026, laakiin kooxda ayaa ku dhawaaqday inay rabto inay joojiso qandaraaska dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Alonso ayaa loo soo bandhigi doonaa tababaraha Real Madrid isniinta, waxaana uu kooxda la wareegi doonaa ka hor inta uusan bilaaban koobka kooxaha aduunka ee America bisha soo socota.

Post a Comment

0 Comments