Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo ku wajahan Imaaraadka Carabta
Sheekh Aadam Maxamuud Nuur “Madoobe” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.
Wafdiga la socda ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dalka ku matalaya Jaamacadda Carabta.
Booqashadan ayaa lagu wadaa in Mudane Madoobe uu kulamo la qaato madaxda dalka Imaaraadka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo is dhaafsiga khibradaha dhinacyada horumarka iyo amniga.

0 Comments