Xamza Cabdi Berri oo la kulmay Dhaxal sugaha Kuwait, Sheikh Sabah Khaled

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada New York kula kulmay dhaxal-sugaha Kuwait


Xamza Cabdi Berri iyo Sheikh Sabah Khaled

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Dhaxal-sugaha Kuwait, Sheekh Sabaax Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo isku xirka mowqifyada golayaasha caalamiga ah.

Berri ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada ay dowladda Kuwait siiso Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo dadaallada lagu taageerayo dalkiisa ee dhinacyada kala duwan.

Post a Comment

0 Comments