Isxaaq Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ku guddoomay afar safiir oo cusub

 Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay afar safiir oo cusub


Isxaaq Maxamuud

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo afar safiir oo kala matalaya dalalka Zambia, Switzerland, Romania iyo Guinea.

Guddoomiye Mursal ayaa safiirrada ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guuleysteen xoojinta xiriirka labada dal iyo Soomaaliya.

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka aan soo sheegnay, isagoo rajeynaya in mustaqbalka la gaaro iskaashi iyo horumar dheeraad ah.

Post a Comment

0 Comments