Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya kalfadhiga sagaal iyo todobaatanaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa in toddobaadkan uu magaalada New York ee dalka Mareykanka ku tago wafdi heer sare ah oo ka qeyb galaya shirka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kalfadhiga Golaha Guud ee sanadkan, oo cinwaankiisu yahay "Qofna ha ka tagin," ayaa diiradda saaraya iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado nabadda, loo hubiyo horumar waara iyo ilaalinta sharafta aadanaha ee hadda iyo kuwa mustaqbalka.
Ajendaha waxaa ka buuxa doodo iyo hindiseyaal xasaasi ah oo lagu doonayo in wax looga qabto qaar ka mid ah arrimaha ugu daran ee maanta adduunka horyaalla.
Ra'iisul Wasaare Berri ayaa la filayaa inuu muujiyo doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee qaabeynta ajandayaasha caalamiga ah. Khudbadiisa ayaa ku nuuxnuuxsan doonta muhiimada ay leedahay midnimada iyo kala duwanaanshiyaha oo ah mabaadi'da aasaasiga ah ee lagu gaari karo nabad iyo horumar waara.
Waxay sidoo kale xoogga saari doontaa sida ay Soomaaliya uga go'an tahay iskaashiga caalamiga ah iyo doorka firfircoon ee ay ku leedahay doodaha caalamiga ah ee looga gol leeyahay in lagu horumariyo adduun loo dhan yahay oo loo siman yahay.
0 Comments