Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Mareykanka

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka


Xasan Sheekh Maxamuud

Jimcihii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya, Richard Reilly.

Danjire Reilly ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan ee ay u soo dhaweysay, wuxuuna soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dowladood. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbiyay dhambaal iyo salaan uu uga siday madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Danjire Richard Reilly xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo ku micneeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale la kulmay General Michael E. Langley oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo uu wehliyo danjire Reilly, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, iyo xasilloonida gobolka.

Post a Comment

0 Comments