Magaalada Muqdisho waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay roobab xooggan

 Labo caruur ah ayaa ku dhintay dhowr gurina waa ay ku burbureen ka dib roobab lixaad leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho


Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa ka da’ay roobab xooggan oo geystay khasaare naf iyo maalba leh, sida ay sheegtay dowladda hoose ee Muqdisho.

Afhayeenka dowladda hoose ee caasimadda Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in roobabka ay ku dhinteen labo carruur ah, qof kalena uu ku dhaawacmay, sidoo kalena ay burburiyeen 11 guri iyo labo waddo oo muhiim ah.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in 325 qoys ay ku qasbanaadeen in ay ka barakacaan guryahoodii fatahaadda iyo khasaaraha ka dhashay roobabka isdaba jooga ah ee da’aya, waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalada ay buux dhaafiyeen biyo badan.

Post a Comment

0 Comments