Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

 Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti


Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Shirkan ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqanka nabadeed ee gobolka Geeska Afrika, kaasoo saameyn ku leh bulshada gobolka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa qaabilay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana Berri la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda dalka Jabuuti oo uu ka qeyb galayo shirka Machadka Heritage.

Post a Comment

0 Comments