Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho soo gaaray
Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ay hoggaaminayso ergayga joogtada ah ee Guddi-hoosaadka Qaxootiga soo laabanaya, Marwo Jinaba Jagni ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in socdaalka wafdigan oo qaatay muddo toddobaad ah uu ku yimid Muqdisho uu ujeedkiisu yahay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda bani'aadanimo ee dalka, ka hor inta aan la filayn in 3,000 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.
Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha samafalka, ururada bulshada rayidka ah, IGAD iyo qeybaha muhiimka ah.
Waxaa xusid mudan in u diyaar garowga bixitaanka 3,000 oo askari marka la gaaro Sebtembar 30 uu gaaray heerkii ugu sareeyay.
0 Comments