Al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maanta oo Axad ah Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyin ka tirsan gobolkaasi.
Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Cali Xaaji Jaamac ayaa ka hadlay falkaasi, wuxuuna ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah, wuxuuna ku eedeeyay dagaalyahannada Al-Shabaab inay gubeen 8 tuulo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ayaa tilmaamay in falalka noocaan oo kale ah ee ay wadaan argagixisadu ay dadka ku daadiyaan dhiiga shacabka, burburinta guryahoodii iyo hantidii ay lahaayeen, taasi ay cadeyneyso sida lagama maarmaanka ay u tahay in dadka ku nool deegaanadaasi ay hubka qaataan si ay cadowga isaga xoreeyaan.
Waxaa xusid mudan in falalka noocaan oo kale ah oo ay sanadkii hore ka fuliyeen dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada gobolka Hiiraan ay sabab u ahaayeen kacdoon dadweyne oo looga soo horjeeday dhaqdhaqaaqaas oo horseeday in inta badan gobollada gobolka laga xoreeyo dagaalyahannadooda.
0 Comments