Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay colaadda ka taagan Itoobiya
Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki, ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay iska horimaadyada militari ee ka socda Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
War saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Itoobiya inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka ayna bilaabaan wada hadal si xal nabadeed looga gaaro xiisadda.
Faki ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay nidaamka dastuuriga ah, midnimada dhuleed iyo midnimadda Itoobiya, iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka, wuxuuna sidoo kale ku booriyay ilaalinta dadka rayidka ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu taageero hindise kasta oo Itoobiya ah oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad iyo xasillooni.
0 Comments