Ra’iisul Wasaaraha oo daah furay Xarunta Keydka Caafimaadka Qaranka
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa daah-furay xarunta keydka caafimaadka qaranka ee magaalada Muqdisho, si loo daboolo baahiyaha dawooyinka tayeysan ee shacabka Soomaaliyeed.
Berri waxa uu tilmaamay in hirgelinta bakhaarkan uu ka tarjumayo guul muhiim ah iyo tallaabo la hubo oo looga gudbi karo dhibaatooyinkii sodonkii sano ee la soo dhaafay ka dhashay tayo xumida dawooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta bakhaarkan, isagoo dhanka kale faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay si hufan uga faa’ideysato, isla markaana bakhaar la mid ah kuwan laga hirgeliyo dowlad goboleedyada si shacabka loogu adeego.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Beerri, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta ku nool xarumaha danta guud ee ay dowladdu leedahay, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh wasaaradda caafimaadka inay ka guuraan, si ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. bulshada.
0 Comments