Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu helay martiqaad uu kaga qayb-galayo Shir-madaxeedka Cimilada Adduunka ee COP28
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Axmed Jumaa Al-Rumaithi.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday dhambaal qoraal ah ka guddoomay Mudane Sheikh Mohammed bin Zayed, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, taasoo ay ku jirto casuumaad uu kaga qeyb galayo shirka COP28 ee Cimilada Adduunka, kaasoo lagu wado in bisha December ee soo socota lagu qabto magaalada Dubai.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay Safiirka, isagoo dhanka kale u sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
0 Comments