Imaanshaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka oo Talaado ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Guterres iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Absher Cumar Jameh.
"Waxaa sharaf ii ah oo aan ku faraxsanahay in aan Muqdisho ku soo dhoweeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres," ayuu Jameh ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda Soomaalida iyo madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu kala hadli doono arrimaha bini’aadantinimada iyo xaaladda guud ee dalka.
Sida aan Wararka ku heleyno Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqan doona magaalada Baydhabo oo ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameeyeen abaarihii dalka ku dhuftay.
Booqashadiisa Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya “Atmis” ay la ildaran yihiin taageero la’aan shisheeye oo ku aaddan howlgalka.
0 Comments