Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League & 4-ta Kooxood Ee Ugu Saraysa Horyaalka.

 

Carragher

Jamie Carragher ayaa saadaaliyay 4-ta kooxood ee ugu sareysa Premier League wuxuuna qirtay in uu ka wal-walsanyahay kooxda Man United.


Arsenal  , Manchester City, Manchester United iyo Newcastle United ayaa hadda ku jira boosaska Champions League, inkastoo Tottenham, Brighton iyo Brentford aysan ka fogeyn.


Tartanka loogu jiro horyaalka ayaa ka dhexeeya kooxaha Arsenal oo hogaaminaysa horyaalka iyo kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.


Man United ayaa dhibco lumisay kulankii Leeds halka ay sidoo kale guuldaro kala kulmeen Arsenal isla markaas bar-baro la gashay Crystal Palace.


Carragher ayaan rumaysnayn in ay Man United ku tartamayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.


Si kasta ha ahaatee daafacii hore ee England ayaa la dhacay horumarka kooxda Man United waxana uu qirtay in uu ka wal-walsanyahay horumarka Man United.


“Waxa ay Man United u muuqataa koox ka duwan sanadihii ugu dambeeyay”ayuu Carragher yidhi.


“Mar walba waxa aan dareensanaa in ay United ku jirto xaalad xun tababarayaashii hore laakiin haatan way ka duwantahay sidaas.


“Waxa aan dareemayaa in ay heleen tababare garanaya waxa uu qabanayo waxana ay u muuqataa in ay soo laabatay ruuxdii Man United”.


Carragher ayaa filaya in ay Arsenal ku guulaysan doonto premier League waxana uu saadaaliyay in ay kooxaha Southampton, Bournemouth iyo Leeds United ay u laaban doonaan horyaalka heerka labaad.


Isagoo sharaxaya sababta uu u aaminsan yahay in Arsenal loo caleemo saari doono horyaalnimada, Carragher ayaa yidhi”Waxaan u saadaaliyay inay qaadi karaan horyaalka sababtoo ah ma hubo in Man City ay ku soo laaban karto qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa”.


“Mar walba oo ay Man City ku jirto xaalkan waa mar walba oo ay Arsenal helayso dhibco dheeraad ah waxana aan u malaynayaa in ay haysan doonaan hogaanka horyaalka”.


Saadaasha Carragher ee 4-ta kooxood ee ugu saraysa: Arsenal, Man City, Man Utd, Newcastle.

Post a Comment

0 Comments