Lionel Messi Oo Wali Daba Taagan Cristiano Ronaldo Xitaa Hadii Uu Uga Tagay Yurub, Maxaa Jira?

Ronaldo iyo Messi


Jamaahiirta kooxda Al-Itixaad ee ka ciyaarta dalka Sucuudiga ayaa ka cadhaysiisay Weeraryahanka kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ka hor bilowga kulanka labada kooxood ee semi-finalka Super Cup-ka ee ka dhacay garoonka King Fahad International Stadium, ka dib markii ay ku dhawaaqayeen magaca Xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi kaas oo ka ciyaara horyaalka France una ciyaara kooxda PSG.


Sida uu qoray wariyaha Calaa Siciid, taageerayaasha Al-Itixaad ayaa ku dhawaaqayay magaca Lionel Messi kadib markii uu Cristiano Ronaldo soo galaygaroonka ka hor tababarkii ka horeeyay ciyaarta bilowgeeda.


Cristiano Ronaldo ayaa suuqa January ee bishan qaab xor ah ugu soo biiray kooxda Al-Nassr isaga oo heshiis 2 sano iyo badh ah u saxiixay kooxda ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga.


Messi ayaa wali daba taagan Cristiano Xitaa hadii uu uga tagay qaarada yurub kuna biiray qaarada Aasiya.


Waxa xusid mudan in xiddigaha Ronaldo iyo Messi si weyn u xafiiltamayeen 15-kii sano ee ugu dambeeyay iyaga oo ku dagaalamayay koobabka shaqsiga ah iyo koobabka kooxaha.

Post a Comment

0 Comments