Lionel Messi ayaa aaminsan in ciyaarta finalka Axadda ay noqon doonto kulankiisii ugu dambeeyay ee uu Argentina u ciyaaro koobka adduunka.
Weeraryahanka Argentina ayaa dhaliyay goolkiisii shanaad ee ciyaaraha Koobka Adduunka Qatar 2022 Talaadadii, waxaana uuna sheegay inuusan fileynin inuu ka soo muuqdo ciyaaraha Koobka Adduunka ee xiga.
Waxa uu yiri: “Sida iska cad aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo gabagabeeyo safarkaygii koobkii adduunka ciyaarta finalka, si aan u ciyaaro kulankii ugu dambeeyay ee finalka, taasi runtii waa wax aad loogu farxo. "Waxaa jira sanado badan laga bilaabo sanadkan ilaa kan soo socda, uma maleynayo inaan awoodi doono inaan sidaas sameeyo, in aan ku soo gabagabeeyo habkan waa mid cajiib ah."
Taageerayaasha xulka qaranka Argantina ayaa weli damaashaad ku jira ka dib markii xulka qaranka dalkaasi u gudbay ciyaarta kama damabysta ah ee koobka aduunka oo uu saddex iyo eber kaga guulaystay dalka Croatia.
Lionel Messi ayaa goolkii ugu horeeyey oo rigoore ah u dhaliyey sidoo kalena suurto geliyey labada gool ee kale ee uu dhaliyey Julian Alvarez.
0 Comments