Wixii Dhax-maray Lionel Messi Iyo Marco Verratti Intii Ay Socotay Ciyaartii Real Madrid iyo PSG

  

Real madrid iyo PSG

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa u muuqday inuu ka cadhooday Marco Verratti intii ay socotay ciyaartii Real Madrid iyo PSG ee xalay ka dib markii uu kubbad-sameeyaha Talyaanigu u dhiibi waayey kubbad fursad fiican ahayd oo haddii ay gaadhi lahayd lugta Lionel Messi ay suurtogal ahaan lahayd inuu dhaliyo amaba halis geliyo goolka Real Madrid

PSG ayaa Arbacadii safar ku tagtay Santiago Bernabeu lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League iyagoo bil ka horna guul kusoo gaadhay lugtii hore ee  ka dhacday Parc des Princes Mbappe ayaa saamayn badan ku lahaa ciyaarta iyo jawiga guudba waxaana intii aanu garsooruhu yeedhin siidhiga dhamaadka u istaagay taageereyaasha Real Madrid oo rajaynaya inuu si xor ah ugu soo wareego dhamaadkka xiilli ciyaareedka

Dhamaadka qaybta hore oo ay lix  daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayuu Mbappe dhamaystiray kubbad qurux badan oo uu ka helay Neymar JR karim benzema ayaa ka daba yimid oo saddex gool ka dhaliyey PSG qaybtii labaad waxaanay sidaas Real Madrid ugu soo gudubtay wareegga siddeed-dhamaadka

PSG ayuu weerarkeedu halis badan ku hayay Courtois waxaana ugu dhib badnaa Kylian Mbappe hase yeeshee Neymar iyo Messi ayaa liitay oo u muuqanayay in aanay goolka khatar badan ku hayn

Lionel Messi ayaa qaybtii dambe waxa uu si toos ah ula hadlay Marco Verratti oo kubbad uu ka helay goolka Real Madrid hortiisa kala masuugay inuu u dhiibo Messi isla markaana go’aansaday inuu madax u saaro Kylian Mbappe oo uu ilaalinayay Federico Valverde waxaana kubaddaas qabsaday goolhaye Thibaut Courtois

Muuqaallo laga duubay ciyaarta ayaa muujiyey Lionel Messi oo ku qaylinaya Verratti isaga u tilmaamaya dhulka su’aalayana sababta uu kubadda ugu dhiibi waayey

Labada ciyaartoy ayaa waxyar kaddib iska laab-xaadhay dhacdadaas waxaanu xiddiga Talyaanigu u sheegay sida ay isaga la’ ahayd taas oo keentay in Lionel Messi uu madaxa u salaaxo oo ay arrintu halkaas ku dhamaato

Post a Comment

0 Comments