safarka xasan sheekh ee dalka imaaraatka carabta.

safarka xasan
Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo la buun buuniyay warka ku saabsan in booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagi doono dalka Imaaraadka Carabta, taas oo lafilayo inay soo dedejisay sida wanaagsan ee dawlada imaaraatku ula garab taagan tahay caawimaada soomaaliya.



Madaxwayne xasan sheekh ayaa sheegay in uu Imaaraadka Carabta uu yahay saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaana xiriirka isu keena uu yahay mid badan, sida xiriirka dhaqaalaha, amniga iyo bulshada isagoo ku nuux-nuux saday in Imaaraadku uu yahay deeqaha ugu badan ee Soomaaliya ka bixiya xilliyada abaaruhu jiraan taas oo ay keentay in wakhtigan la isusoo dhawaado siyaasada qaangaadhka ah ee xasan sheekh maxamuud.



Xusuusin mucaawinada Imaaraatka, ha ahaato buundada hawada ama markabkii mucaawinada ahaa ee loo soo diray, marka laga reebo deeq lacageed oo ay dhawaan bixiyeen,In la caddeeyo doorka Imaaraadku ka qaato tababarida ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo bixinta mushaaraadka ciidamada si ay uga qeyb qaataan ciribtirka Al-Shabaab waxaas oo dedaal ah bay ku bixiyaan imaaraatku dalka soomaaliya iyagoo raba in lahelo dawlad soomaaliyeed oo awoodleh.



madaxwaynaha soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa tan iyo markii ladoortay wada siyaasada wanaagsan oo la xidhiidha beesha caalamka dalalka carabta gaar ahaan imaaraatka iyo dawladaha deriska la ah soomaaliya waxaana taas lagu tilmaami karaa inuu madaxwayne xasan uu yahay waaya arag siyaasadleh lana dhaqmi kara aduunka intiisa kale, oo ay hore inoogasoo xidhxidhay xukuumadii farmaajo muadadii ay talada dalka haysey.

 

Post a Comment

0 Comments