waxqabkii xasan sheekh maxamuud.

waxqabad

 Xasan sheekh maxamuud iyo alshabab xigashada  sawirka  AFPI yadoo uu habeenkii Axadda uu doorashada madaxtinnimada Soomaaliya si aqlabiyad leh, ugu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u soo noqday madaxweyne, ayaa waxaa horyaalla caqabado badan oo amnigu ka mid yahay,Kooxda Alshabaab oo inta badan amni-darrada dalka lagu eedeeyo, ayaan wax badan ka oran doorashadan, halka doorashooyinkii hore ay afduuban jireen, amaba xitaa qaarkood dili jireen ergada soo dooratay xildhibaannada, iyagoo ku eedeynaya inay qeyb ka noqdeen sida ay sheegeen doorasho aan,diinta Islaamka lagu saleyn.


Markanse, doorashooyinkii dhacay kama aysan hadlin, iyadoo dadka qaar ay cabsi ka muujinayaan in xubno ayaga ka tirsan amaba dad taageersan, laga yaabo inay si qarsoodi ah u doonayeen inay uga mid noqdaan baarlamaanka si ay dowladda gudaha uga wiiqaan, Cabsidan waxaa sanadkii 2020 meel fagaare ah ka muujiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu yiri: "Waxaan ka baqayaa inaan aragno, baarlamaan ay si aan toos ahayn u maamulaan Al-Shabaab sababtoo ah waxay heysan doonaan taageerada qaar ka mid ah xildhibaannada.


        Alshabaab iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday qaraxa oo ka dhacay hoteelka Jasiira Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii ugu horreysay ee uu xilka madaxtinnimada Soomaaliya qabtay 11-kii September, 2012,  waxaa dhacay falal amni-darro ah oo qaarkood asaga toos loogu beegsaday, Maalin kaddib markii la doortay, Al-Shabaab ayaa Madaxweyne Xasan ku tilmaamay "khaa'in" waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan,  waxa ay ku tilmaameen jihaadka ka dhanka ah dowladda oo ay sheegeen inay u adeegto shisheeyaha,, Hadalkoodaas ayay ka dhabeeyeen labo maalmood kaddib markii la doortay iyo maalin un kaddib hadalkooda, iyagoo qarax la beegsaday meel uu, shir jaraa'id ku qabanayay.


Madaxweynaha iyo wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ee xilligaas, Sam Ongeri, ayaa shir jaraa'id ku qabanayay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho,  markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha hoteelka, inkastoo labaduba uusan wax dhib ah ka soo gaarin, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof, "Annaga ayaa ka dambeynay qaraxyada hoteelka Muqdisho. Waxay ahaayeen howlgal ay si wanaagsan u qorsheeyeen mujaahidiinta,"  ayuu Sheekh Abdicasiis Abu Muscab, oo xilligaas u hadlayay Al-Shabaab u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters,  Hoteelka Jasiira ayaa wuxuu ku yaallaa meel u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle oo saldhig weyn u ah ciidamada nabad ilaalinta ee, Midowga Afrika waxanaa loo arkaa meelaha ugu ammaanka badan caasimadda.


Sidoo kale bishii Febraayo ee sanadkii 2014, qarax weyn oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay albaabka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xigay rasaas la isku weydaarsaday gudaha,Waxaa la sheegay in ugu yaraan labo sarkaal oo sare iyo sagaal ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen,Ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomnaaliya ee xilligaas, Nick Kay ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Madaxweyne Xasan uu u sheegay inuu badqabo,Mar kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa oo halka uu ka dhacay ah meel aad loo ilaaliyo, hoyna u ah madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirro kale.

Post a Comment

0 Comments