Noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta, Ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqonin Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka, gudaha Soomaaliya ayuuna, ka shaqayn jiray intii uu dalku ku jiray burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeyeHaddaba maxaan ka garanaynaa taariikhda Xasan Sheekh Maxamuud?.
Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir, waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay,Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya, Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo, iyo Jaamacado.
Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen, wax baridda ama macalinnimada, Siyaasadda ka hor, Xasan Sheekh Maxamuud inta badan noloshiisa waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimadaMarka laga soo tago xirfaddiisa barenimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulayBishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa, Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.
Xasan waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar, Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar, madaxweynihii ka horreeyay, Shariif Sheekh Axmed, oo sidoo kale u tartamayay xilka ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa, waxa uuna ballan qaaday inuu la shaqayn doonoDowladdii Xasan Sheekh ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay "Damu Jadiid" Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra'iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda.

0 Comments