Taariikhda Shariif Shiikh Axmed.

tariikh
Shariif Shiikh Axmed, waa hoggaamiyihii Maxkamadaha Shareecada ee sannadkii 2006 ka talinayay gobollada Dhexe iyo kuwa koofureed, ee Soomaaliya badankood, ka hor intii aanay dagaal ku qaadin xarunta dowladda oo markaa ahayd Baydhaba, Berigii ay Maxkamaduhu dagaalka kula jireen kooxdii la baxday Argagixisa la dirirka, Shariif Shiikh Axmed, waxaa uu lahaa taageerayaal aad u fara badan, gaar ahaanna waxaa si weyn looga taageersanaa magaalada Muqdisho.

Ka dib waxaa uu carar ku galay dalka Kenya, oo uu uga sii gudbay Eritrea
Halkaas ayuu madax uga noqday isbahaysi sheegtay in uu mas'uul ka yahay dagaallada lagula jiray ciidammada Ethiopia iyo kuwa dowladda,Waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Shabeellada Dhexe ee xaruntiisu ay tahay Jowhar,Waa dhowr iyo afartan jir. Waxaa uu Jaamacad ka dhigtay dalalka Suudaan iyo Liibiya.


Qolyaha aad u ammaana waxay ku sheegaan in uu yahay nin hadal yaqaan ah, isla markaana dulqaad badan. Dhanka kale, qolyaha dhaliilaa waxay ku sheegaan in uu yahay nin aan khibrad badnayd oo inta badan aan go'aan qaadasho lahayn. Shariif Shiikh Axmed, waxyaabaha hor yaalley waxaa ka mid ahaa, sidii uu u mideyn lahaa kooxaha Maxkamadaha ka wada tirsanaa oo markaa  aad u kala qeybsanaa.

Waxaa kale oo laga sugayey sidii uu taageero uga heli lahaa gobollada Puntland oo muujiyay in aanay ku qanacsanayn sida uu u qeybiyay xubnaha Isbahaysiga ee kooxdiisa.
Dhinaca siyaasadda, waxaa Shariif Shiikh Axmed horyaalla in uu ficil ahaan u muujiyo in uu ka tanaasulay adeegsiga dagaal si uu danihiisa siyaasadeed u gaaro.


Post a Comment

0 Comments