taariikh nololeedka musharax siciid deni

taariikhd

Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sanaddii 1972-dii wuxuu waxbarashada, hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho1980 ilaa 1984-kii wuxuu Dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda Luuqadaha1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management).


Kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahanadii dib ugu soo noqday Puntland, qeyb ayuuna ka qaaatay horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka, qaatay dib u dhiska Dawladda PuntlandDr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay, in ka badan 15,000 oo arday.


Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996,wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho,ee Gobollada waqooyi Bari SoomaaliyaSannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.


Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka,isaga oo xubin ka ahaa guddigaDeegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahSannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaataym sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay, Sannadkii 2017, Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaaMusharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta 9-ka  January 2019 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland. Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic.

Post a Comment

0 Comments