Sanad kasta marka la gaadho maalinta ugu horaysa bisha afraad (April) ee sanadka Miilaadiga waxa waddamo badan oo reer galbeedka u badan looga dabaal degaa maalinta beenta adduunka loogu yeedho taas oo muran badani ka taagan yahay kuna guul daraysatay inay noqoto munaasibad caalami ah hasa yeeshee waxa sida muuqata wadamada reer galbeedka ay maalintani ku leedahay taageerayaal badan iyo shacbiyad ku camal fala oo sideeda ugu xisaabtama waa maalin sida ka muuqata ay caadaysteen in been la isu sheego oo waxyaabo aan jirin dadka loo sheego
Waxa dhacda in qof loo sheego geerida qof kale oo uu aad u jecel yahay oo been ah iyo waxyaabo kale oo wada been ah taas oo marka la isku qabtana lagaga jawaabo Beentii kowda April ayay ahayd sida dadka aaminsani ku doodayaan dadka dhibanayaasha beentaas la sheegayo ayaa loogu yeedhaa doqmihii maalinta beenta aduunka ee 1-da April akhriste beentu waa xaaraan ay diinteenu inaga reebtay oo in la isu sheegaa reeban tahay April iyo xili kalaba waxa kale oo sidaas oo kale xaaran ka dhigaya diimaha samaawiga ah iyo dhaqanka suuban
Haddaba sida wax kasta oo aadamigu caadaystaa u leeyihiin asaas iyo meel ay ka soo dhambasheen ama xigteen ayay maalintani u leedahay meel ay asal ahaan ka soo jeedo oo loo raaco wallow si wayn la isugu khilaafsan yahay oo xitaa taariikhdeeda been badan laga sheegay sida inta badan dadka aaminsan maalintan ama u sacabo tumaa ku doodayaan waxa maalinta beenta April bilowgeeda la isu sheego laga soo xigtay sheekada “The Canterbury” loo yaqaano oo uu qoray Jeffrey Choser oo ahaa gabayaa sheeko xariir ah oo ingiriis ah kaas oo noolaa qarnigii afar iyo tobnaad ee miilaadiga
Run ahaan beenta 1-da April ayaa bilaabantay markii la sameeyay Taariikhda cusub ee adduunku ku dhaqmo ee loo yaqaano Gregorian Calendar-ka, kaas oo uu qarnigii lix iyo tobnaad badalay boqor Gregory III ee Romanku waxaanu Calendar-ka cusub ee Miilaadiga loo yaqaano imiku badalay tirsigii ka horeeyay ee sanadku ka bilaabmi jiray 25-March oo ah marka gu’gu ka curto inta badan dunida kaas oo ilaa 1-da April loo dabaal degi jiray curashadiisa hasa yeeshee uu mar qudha ninkani curashadii sanadka u badalay bisha January oo uu labo bilood iyo dhawr iyo labaatan cisho dib u raray
Rasmi ahaan Beenta 1-da April waxay warbaahinta ku bilaabantay sida la rumaysan yahay qarnigii 17aad xiligaas oo jariirad ka soo bixi jirtay dalka Ingiriisku qortay sheeko been ah oo ay kaga been abuuratay Nebi Nuux (CS) jariirada ayaa wakhtigaas sheegtay in Nebi Nuux (CS) uu markii duufaanku dhamaaday uu shinbir xamaam ah diray taas oo uu ka dalbaday inay soo eegto meel biyuhu ka yaraadeen oo doontu istaago laguna dego waxaanay sheeko beenadan ay jariiradu qortay sheegtay in shimbirtii xamaamku soo noqotay iyadoo sheegaysa meel duufaankii baabiiyay ka dibna xayawaanadii kale ee doonta la socday ka wada yaabeen
Jariirada ayaa ku dooday in beentu maalintaas oo ku beegnayd 1-da bisha afraad ee tirsiga miilaadiga cusub ay bilaabantay waxa aragti taas oo kale la mid ah qabta jariirada todobaadlaha ah ee Harper ee dalka Maraykanka ka soo baxda oo iyada lafteedu beenta jariirada Ingiriisku baahisay mid la mid ah qortay dhawaan beentan ay reer galbeedku caadaysteen ee maalinta ugu horaysa 1-da bisha april lagu asteeyay ayaa dad badan halis gelisay noloshooda, kuwo kalana isku dirtay xumaan badana ka dhex abuurtay bulshooyinka ku dhaqma
Waxaanay dad badan oo masuuliyiin iyo wax garad u badani ku taliyeen in si heer caalami ah loo mamnuuco laguna daro denbiyada caalamiga ah ee booliska dunida Interpol loo adeegsado inay ka hawl galaan duniduna isku dhiibto dadka sameeya akhriste dhamaan qisooyinka la xidhiidha maalinta 1-da April ee beenta la caadaystay kuma jiraan sababo maalintaas in been la sheego ama loo sacab tumo qeexaya tusaale ahaan sheekada The Canterbury ee ah ta sida rasmiga ah loogu tilmaansado waxa ay ku kooban tahay beeno kala duwan oo dad iyo xayawaano laga werinayo kuwaas oo ku tidhi ku teen u wada ah
0 Comments