Nin Muslim ah oo aad ugu Ad-adag diintiisa ayaa soo Raacey Diyaarad Markii muddo Hawada lagu jirey ayaa Ninkii waxaa u timid Gabar ka mid ah Shaqaalaha Diyaarada oo Qamri Wareejineysa dabeedna waxey ku tiri Qamriga maku siiyaa Laakin Ninka oo ahaa Qof Ilahey siiyey Iimaan ayaa yiri Maya uma Baahni waad Mahadsantahay
Xoogaa ka dib misana Waxaa u timid isla Gabadhii oo wada Dhaladii Qamriga laakin waxey kala Kulantey isla jawaabtii hore ee aheyd Waad Mahadsan tahay uma Baahni
muddo ka dib Gabadhii oo la yaaban Ninkaan Diidan Qamrigaan Qaaliga ah ayey ku tiri Ninkii Shaqaalaha Diyaarada u Sareeyey Ninkaa wuu iga Diidey Sharaabka ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee Adiga?
Ninkii ayaa soo Qaadey Dhaladii Qamriga ahaa markuu u keeney Ninkii Muslim ka ahaa ayuu ku yiri Mahadsanid uma baahni markaas ayuu yiri Ninyahow maxaad ku Diideesaa miyaadan ka Helin Adeega Diyaarada?
Ninkii Caaqilka ahaa baa yiri Orodoo sii Qamriga Duuliyaha Diyaarada markaa buu yiri Ma Waalan tahey sideen u siiyaa Duuliyaha Qamri Waajibaadkiisa ayuu Gudanayaa haduu Cabo Qamrigana Diyaaradoo dhan ayaa Burbureysa
Ninkii Muslimka ahaa ayaa yiri hadaba Anigana Muslim baan ahay waxaana gudanayaa waajibaadkeyga ah inaan caabudo Rabbigeyga haddii aan Cabana Qamrigan Nolosheyda dhan ayaa Burbureysa Adduun iyo Aakhiraba
0 Comments