Wiil aannu asxaab nahay oo muddo 10 sanno ah ka shaqeynaayey suuqa Waaheen is la markaana masruufkiisa si maalinle ah u ga xoogsan
jirey ayaa waxa saameeyey shaqadiisii gubashadii suuqa la soo deristey 1-dii bishan Abriil ee aynu ku guda jirno. Waxa marqudha
soo xaadirtey xaalad adag isagga iyo qoyskiisa oo ka kooban 6 carruur ah iyo afaddiisa. Iyaddoo xaajo ku adag tahay bishuna Rabadaan tahay
oo bilaha kale ka kharash badan tahay wax dhigaal ahina meel u oollin ayaa mar qudha xaaskiisii ka ga farxisey war aannuu kabba fileynin.
Muddo 8-sanno ah oo ay wadda joogeen masruufka uu siiyo ayey hagbad ka geli jirtey. Waxa qorshaheedu ahaa in maalin uun ay hanti yeeshaan ay ka ga reysanayaan
kiraddan
daashatey ama ay ku maareyso maalin xaajaddu ku cuslaato sidda ta xaajigeeda maanta la soo deristey oo kale. Waxay u sheegtay in adduun dhan 10-kun oo Dollar
ay ururisey muddadaa ay wadda joogeen, isagguna aannuu ka war qabin. Farxad aawadiis baa saaxiibkey ilinta xejin kari waayey. Waxay qalbigiisa ka fujisey
waran meel adag ka ga taagnaa iyo masuuliyadda tii hore ka sii culus oo ee uu la kulmey. Qudheyda markuu qisadan ii ga sheekaynaayey dareen farxad iyo yididiilo leh
baa i galey. Beydkan baana maankeyga ku soo maaxdey kadib xikaayadaas saaxiibkey ii soo tebiyey.
Haddaan laysku dhimaneyn.
Nafta laysku dhiibeyn.
Sow maaha dhalanteed
Adigu maxaad gabadhaas iyo xaaladda saygeeda aad ku cabbri lahayd haddaad abwaan, suugaan-dhaadhi ama qof damiir nool leh aad tahay
noloshu waa dhaxalgal wayn,
hadaad hesho ruux dhankiisa,
kajira dheeliga naftaada
mooraalkana kuu dhisaaya
markaad dhidideed rafaaddo.
haweenbaa laysku dhaafay,
iyagaa ragba kala dhaqaajey.
0 Comments